Maxaa looga hortagaa xanuunka caadada?

Khasab ma aha in caado-xanuunku uu dhibaato noqdo laakiin dadka qaarkiis wuxuu ku keenaa xanuun aad u xooggan. Waxaan halkaan ku taxnay dhowr hab oo kaa caawiya la tacaalka xanuunka.

Is-caawimid

Kulayl

Wuxuu noqon karaa tusaale ahaan barkad diirran, barkin-qamadiyeed oo kulul, buste-koronto, dhalo biyo lagu diirriyo ama maro miskaha laga guntado.

Dhaqdhaqaaq

Gal qoob-ka-cayaar, socod ama nooc kale oo jimicsi oo aad ka hesho. Firfircoonida jirka waxay caawimo u noqon kartaa ka hortagga xanuunka iyo walbahaarka.

Taabasho/daliigid

In la salaaxo ama la daliigo meesha qofka xanuuneysa waxay yareysaa oo dejisaa dhibaatada xanuunka. Daliigid ka sokow waxaa jira siyaalo badan oo la isku dabciyo oo la tijaabin karo, tusaale ahaan meditayshan, cirbado shiineys, roog musbaarro leh iwm.

Daawo dhigaal-la’aan ah

Naproxen, Paracetamol iyo Ibuprofen waa xanuun-dejiyeyaal caadi ah oo la isku qaadan karo (paracetamol keligii waxaba kama taro caado-xanuunka) ama daawo nooc kale ah oo dhigaal-la’aan lagu iibsado. Had iyo jeer akhriso warbixinta ku taal baakadda. Dadka qaarkii waxay ka xasaasiyoodaan maaddooyin gaar ah. La tasho shaqaalaha farmashiyaha haddaad shakisan tahay!

Talo!

Waxtarka daawada waa adigoo mar kasta sida ugu dhaqsaha badan u qaata. Siiba intuusan xanuunku kugu dillaacin.

Hurdo iyo cunno

Hurdada iyo cunnada wanaagsan waxay jirkaaga ka caawimayaan la tacaalka xanuunka daran. Gaajada iyo daalkuse waxay jirka ka dhigaan mid u nugul xanuunka.

Aqoon

Inaad ka warheyso shaqada jirkaaga waxay kuu fududeyneysaa la tacaalka iyo fahamka caado-xanuunka. Waxay iyana sahleysaa u kuurgalka dhibaatada, haddaad daryeel raadsatid. La soco oo qor caado-xanuunkaaga adigoo adeegsanaya xusuusqor-xanuun ama barnaamij telefan-gacan.

Xaqiijin

Xaqiijin aad ka hesho dadka ay heysato dhibato taada la midka ah waxay caawimaad u noqon kartaa la tacaalka xanuunka. Raadso fagaare-dood iyo dad ku sheekeysta Internetka oo ay heysato dhibaato taada la mid ah.

Bildtext: Foto på massor av olika kapslar med färgat glitter i.

Daawo-hoormoon ee ka hortag uureysi

Qaar ka mid ah daawooyinka looga hortago uureysiga ee hoormoonka leh, tusaale ahaan p-piller, waxay kaa caawimi karaan caado-xanuunka. La xiriir xarun dhallinyaro iwm si aad talo taas ku saabsan uga heshid.

Daawo dhigaal leh

Haddii kiniiniyada xanuun-dejiyaha ahi ay kaa caawimi waayaan caado-xanuunka waa inaad takhtar u raadsato baaritaan iyo wadahadal ku saabsan inaad heli karto daawo xanuun dejiye dhigaal leh.

Bildtext: Lila foto på en stående person som lagt händerna på en sittande tjej.

TENS

TENS waxay u taagan tahay transcutaneous electrical nerve stimulation, waana sixniyo gariira ee lagu dhejiyo oogada oo kiciya nidaamka jirkaaga ee xanuun-dejinta. Caado-xanuunka aadka u daran habkaani waxtar ayuu u yeelan karaa.

Xiriir cilminafsi-yaqaan

Haddii caado-xanuun dartiis ay dhibaato dhimir ku hesho waxaa ku caawimi kara inaad qof un xaaladdaada kala hadasho. Waxaad tusaale ahaan tagi kartaa xarun dhallinyaro ama rug caafimaad si aad la taliye cilminafsi ugula kulanto. Halkaas waxaad ka heleysaa talo ku saabsan sida aad ula tacaali lahayd walwalka iyo dhibaatooyinkaaga dhimir.

Muhiim!

Waa inaad daryeel raadsatid haddaad isku tijaabisay hababka la isku caawiyo dhammaantood oo ay waxba ku tari waayaan!