Maaraynta hoormoonada – 5 talo!

Hoormoonnada ayaa hoggaamiya meertada cadada, dadka qaarkoodna aad bay ugu nugul yihiin isbedbeddelka hoormoonnada. Qaar baa astaamahaas la dhibban oo carqalad weyn ayey ku noqdaan noloshooda dhammaanteed.

Image: hands holdiong a smartphone

1. Xusuusqor caado

Aqoonta iyo ogaalka meertadaada caado waxay ku siinayaan awood, waxayna kuu saamaxayaan inaad noloshaada ka adkaato xitaa hadday xaaladdu kuugu xun tahay. Ku qor xusuusqor ama barnaamij telefon tusaale ahaan maalinta ugu horeysa iyo muddada caadada, caddadkeeda, xanuunka iyo xaaladda niyadeed.

2. U roonow jirkaaga

Is-dhaqaalee, si fiican u seexo oo cun raashin kuu wanaagsan. Waa muhiim inaad hesho hurdo kugu filan habeenkii. Haddii caadadaadu ay hurdo kuu diiddana waa inaad daryeel raadsatid. 

Image: young girl with a scarf and coat walking in a park

3. Nasasho

Qaado waqti aad ku nasato iyo biririfyo maalmaha aad dhibban tahay. Tusaale ahaan waxaad samayn kartaa jimicsi aad ku nasanayso, indho-guduudsi, socod deggan ama ugu yara kaadi waxaad markaas ku hawlan tahay.

4. Firfircooni jir

Uma baahnid inaad tagto goob jimicsi ama aad toban kiilomitir oroddo, waxaa jira habab kale oo badan oo loo firfircoonaado. Dhegeyso muusigga aad ugu jeceshahay oo is ruxrux, mijabaxso ama baaskiil ku tag dukaanka – tallaabo yar meel dheer ayey ku geysaa.

Image: two girls embracing eachother

5. Sheekeysi

Dadka badidooda waxa u roon in qof ay isku fiican yihiin ay uga warramaan xaaladdooda, saaxiib, macalin, la-taliye cilminafsi. Waxaa markaas kuu fududaanaya inaad taageero hesho oo lagu fahmo.

Muhiim!

Waa inaad daryeel raadsatid haddaad isku tijaabisay hababka la isku caawiyo dhammaantood oo ay waxba ku tari waayaan!