Gudniin

Gudniinku wuxuu keeni karaa in qaar ka mid ah dhibaatooyinka iyo astaamaha caadada ay sii xumaadaan. Waxaan halkaan ku uruurinay tusaalooyin, talooyin iyo macluumaad ku caawimi kara.

Bildtext: Lila foto på en kropp som sitter med benen i kors, axlarna och huvudet syns inte.

Waa maxay gudniin?

Goynta ama dhaawacidda qeybo ka mid ah xubinta taranka waxaa lagu magacaabaa jinsi- naafayn ama gudniin. Labada erey waa isku micne. Dumarka la guday waxaa mararka qaarkood ku adkaata inay ogaadaan waxa lagu sameeyey xubintooda taranka. Iswiidhan iyo dalal kale oo farabadan gudniinku waa ka mamnuuc sharciga xaggiisa. Waxaa loo mamnuucay maadaama aan la oggolayn in cid kale ay jirkaaga u taliso.

Qaybaha kala duwan ee gudniinka

  • Nooca 1aad waa marka dahaarka kintirka la gooyo iyo/ama kintirka la dhaawaco.
  • Nooca 2aad waa markay dhaawacan yihiin barjada kintirka, dahaarka iyo dibnaha yaryar ee siilka.
  • Nooca 3aad waa sida nooca 2aad oo lagu daray in qeybo ka mid ah dibnaha waaweyn ee siilka ay iyana dhaawacan yihiin oo isku tolan yihiin oo waxaa xubinta oo dhami ka hara uun hal ama dhawr dalool oo yaryar.
  • Nooca 4aad waa marka wax uun loo adeegsado xubinta ee ku reeba dhaawac ama haar. Tusaale ahaan in la isticmaalo shay af leh oo lagu mudmudo, sarsaro kintirka iyo hareerahiisa. Waxay iyana noqon kartaa maaddo kiimiko ah oo lagu gubo barjada kintirka, dahaarka ama siilka.
Bildtext: Illustration av en menskopp och en tampong

Sidee bey isku waafaqaan caado iyo gudniin?

Dhiigga caadadu wuxuu ka yimaada daloolka siilka. Haddaad gudan tahay oo daloolka siilkaagu uu yar yahay (dhawr dalool oo yaryar ama si buuxda isku tolan) muddo dheer ayey dhiigga ku qaadan kartaa inuu dibedda u soo baxo. Dumarka qaarkood war uma hayaan inay gudan yihiin oo waxay marmar taas ugu horeyn ogaadaan goorta ay caadada helaan, waayo markaas ayey aad ugu xanuunsadaan dhiigga oo dibedda u soo baxaya.

4 waxyaalood oo sii xoojin kara caado-xanuunkaaga

1. Dhiigga oo xannibma

Waxa lagu xanuunsado waa dhiigga oo fariista daloolka siilka gadashiis. Haddii dhiiggu uu isku meel ku ururo wuu gororayaa oo wuxuu noqonayaa guntinno xira daloolka siilka. Dumarka qaarkood markay caadadu ka imaaneyso waxay sheegtaan lablabbo, matag ama xanuun ka qabta dhabarka ama caloosha.

2. Xilliga caadada oo dabadheeraada

Dumarka xubintooda taran ay tolan tahay waxay cadadooda socon kartaa maalmo ka badan xilliga caadiga ah. Taas waxaa sabab u ah in dhiigga xawaaraha uu ku soo baxayo uu gaabinayo waayo markiiba in yar ayaa dibedda u soo bixi karta.

3. Haar xanuun leh

Adigii gudnaa balse xubintaada taran aan la tolin xanuun ayaad iyana ka dareemi kartaa siilka afkiisa waayo waxaa jiri kara haarro gudniinku keenay. Dumarka qaarkood waxaa laga soo wariyey in haarruhu xanuunkoodu uu bato xilliga caadada. Waxaa laga yaabaa in suufka caadadu uu riixayo, hase ahaatee si rasmi ah uma garaneyno sababta xanuunka keenta.

4. Walbahaar iyo xusuus dhib badan

Marka caadadu ay timaaddo oo lagu xanuunsado waxaa soo laaban karta xusuusta gudniinka. Waa dhici kartaa, laakiin shardi ma aha, in xusuustu ay kugu dhaliso madluunsanaan, murugo, walwal ama walbahaar. Markaa waxaa wanaagsanaan karta in qof lala sheekeysto, tusaale ahaan kalkaalisada iskuulka, la-taliyaha cilminafsiga ama qof jooga xarunta dhallinyarada.

Bildtext: Foto på cool tjej med flätor i håret vid ett fönster.

Caqabad tagitin iskuul?

Hablaha gudan qaarkood waxaa laga soo wariyey inay jecel yihiin markay caadadu ku dhacdo inay iskuulka ka joogaan. Marmar maalmo badan, waayo xanuun ayey dareemaan ama waxay dhibsadaan inay musqusha muddoyin dhaadheer u baahdaan. Hase yeeshee caadadu waa inaysan iskuulka kaa xannibin. Hadduu xanuun ku hayo waxaad u baahan kareysaa daawo xanuunka dejisa, hadday wax ku tari weydana waa inaad daryeel raadsataa.

Talo!

Waxaa jirta xarun caafimaad ku taal isbitaalka Södersjukhuset ee magaalada Stockholm oo ku takhasustay dumarka gudan oo qof waliba uu imaan karo. Waxaa la yiraahdaa AMEL-mottagningen.

Halkaan ayaa cawimaad laga helayaa

  • Hadday caadadu ku xanuunjineyso ama siyaalo kale kuu dhibeyso caawimo ayaad taas u heli kartaa. Haddaad tolan tahay oo aad xanuun dareemeyso wuxuu takhtarka dumarka kugu caawimi karaa qalliin uu kugu furayo. Waxaa la kala furayaa afka siilka si dhiigga caadadu iyo kaadidu ay u helaan marin ay si fudud uga soo baxaan. Furniinku wuxuu iyana fududeynayaa galmada, midda iskaaga ah iyo midda aad saygaaga la sameyneyso intaba.
     
  • Waxaad sidoo kale xanuunka u qaadan kartaa daawo xanuun dejiye ah. Waxaad billowgii tijaabin kartaa xanuun-dejiyaha dhigaal-la’aanta ah ee laga helo farmashiyaha. Hadduu wax ku tari waayana takhtarka dumarka ayaa kuu qori kara xanuun-jebshe kii hore kuu dhaama.
     
  • Waxaa jirta xarun caafimaad ku taal isbitaalka Södersjukhuset ee magaalada Stockholm oo ku takhasustay dumarka gudan oo qof waliba uu imaan karo. Waxaa la yiraahdaa AMEL-mottagningen. Haddaad dalka meel kale ka deggan tahay oo aad caawimo u baahan tahay waxaad ka billaabi kartaa inaad la hadashid ummulisada xarunta dhallinyarada, takhtarka rugta caafimaadka ama takhtar dumar ka hawl gala xarunta caafimaadka dumarka.