Su’aalaha inta badan la is weydiiyo!

Halkaan waxaan kaaga jawaabeynaa dhawr ka mid ah su’aalaha caadiyan la iska weydiiyo caadada.

Image: questionmark with lightning bolts

Dumar oo dhan miyey caadada ku xanuunsadaan?

Maya, dumar oo dhan caadada kuma xanuunsadaan. Qaar badan si uun ayey caadada u dareemaan, qaar wey yara dhibsadaan, qaarka kalena aad ayey ugu xanuunsadaan.

Sidee loo dareemaa caado-xanuunka?

Dumarka wey ku kala duwan yihiin dareenka caado-xanuunka. Qaar waxay caado-xanuunka ku qeexaan xanuun u eg jug, dhuuryo, muruq kogid ama lallabbo. Waxaa laga xanuunsan karaa ama caloosha oo qur ah, ilmogaleenka hareerihiisa, ama dhabarka ilaa iyo bowdiyaha.

Maxay qaar u dareemaan murugo ama caro markay caadadu soo dhowdahay?

Waxaa taas ugu wacan in caadadu ay saameyso hoormoonada jirka, iyaguna ay hoggaamiyaan dabciga. In la dareemo niyadjabsanaan dheeraad ah oo la xiriirta caadada waxay noqon kartaa wax la yiraahdo PMS ama PMDS.

Image: questionmark with lightning bolts

Ma okey baa in fasax jirro la isku qoro caadada darteed?

Haa, xaq baad u leedahay inaad ka joogto iskuulka/shaqada haddii caadadaadu ay kaa hor taagan tahay hawlkarnimadaada caadiga ah. Halkaan waxaad ka akhrisan kartaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan caadada iyo fasaxa jirrada.

Miyaan ka qayb qaadan karaa xisadda isboortiga ama jimicsi xilliga caadada?

Haa, waa wanaagsanaan kartaa in la dhaqdhaqaaqo oo la jimicsado xilliga caadada. Jimicsiga fudud wuxuu yarayn karaa caado-xanuunka, wuxuuna u roon yahay dabciga.

Miyaan xilliga caadada galmo samayn karaa?

Dabcan! Caadada looma baahna inay caqabad ku noqoto galmada iyo seegeysiga – dumarka qaarkood kacsi dheerad ah ayey dareemaan xilliga caadada. Caadada waxaa laga helaa qoyaan dheeraad ah – sida subkinta oo kale – taasina galmada waxey ka dhigi kartaa mid raaxo dheeraad ah leh.

Image: questionmark with lightning bolts

Ma run baa in biyobaxu uu caado-xanuunka dejiyo?

Haa, biyobaxu wuu dejin karaa caado-xanuunka. Markaad biyobaxdo waxaa jirka ku furma hoormoono farxadda u roon oo, ka sokow inay kaa dhigaan qof faraxsan oo diiqad yar, iyana dejiya xanuunka.

Dhiigga caadadu ma wasaq iyo fayadarri baa?

Maya, dhiigga caadadu ma laha wax fayadarri ah. Wuxuu ka kooban yahay dhiig, nudo xuub-axaleed ah, iyo wax-xoogaa dheecaan ah – oo habayaraatee ma laha wax wasaq ama khatar ah.